Dagaal xooggan oo saacado socday ayaa xalay ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaddib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen xero ciidan ay lahaayeen Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.
Weerarka ayaa ku bilowday madaafiic iyo baasuukayaasha garbaha laga rido, iyadoo kaddib uu bilowday dagaal fool ka fool ah oo labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa si gaar ah waxa u uga dhacay deegaanka Lugadheeere oo fariisin u ah Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya waxana la ogeyn ilaa iyo hada la khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Duqa Degmada Baardheere Shariif C/waaxid Shariif Aadan oo loo yaqano(Saxardiid) oo Wareysi siiyay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in weerarkii ugu yimid Al-Shabaab ay iska difaaceen islamarkaana uu ahaa mid Arbush ah sida uu hadalka u dhigay.
Xaalada Baardheere iyo nawaaxigeeda ayaa saaka degan, waxaana la sheegayaa inuu socdo dhaq dhaqaaq ciidan ay wadaan ciidankii xalay la weeraray.
Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan, waxaa ay horay weeraro ka geysteen dhowr goobood.