Dagaalkii ugu cuslaa oo maanta ka socda Magaalada Guriceel

Dagaalkii ugu qaraaraa ayaa maanta ka socdo xaafadaha Waqooyiga magaalada Guriceel, waxaana magaalada laga maqlayaa dhawaaqa madaafiic culus.

Dagaalka ayaa socdo maalintii 3-aad ilaa hadana Milateriga Soomaaliya kuma guulaysan in Ahlusunna ay ka saaraan xaafadaha ay ka joogaan Guriceel, iyadoo la soo warinayo in dhinacyadu ay heleen gurmadyo hor leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka qaaday ciidan iyo madaafiic culus, halka Ahlusunna la soo sheegayo in ay heleen ciidamo hor leh oo u dagaalamo, dhimasho iyo dhaawac xisaab maleh, sidoo kale dhismaha magaalada ayaa dhulka la dhigay waxaana muuqda burbur xoogleh.

Guriceel waxay u muuqataa in ay geli doonto dagaal qaata maalintii 4-aad oo xiriir ah, haddii aysan wax isbadalin ilaa caawa, ma jiro wax waan waan ah oo ka socda Galmudug balse waxaa socda abaabul horleh.