Dagaalkii ugu cuslaa oo dhexmaray Alshabaab iyo Shacab is abaabulay

Dagaalkaan ayaa Kooxda la Magac baxday Macawiisleey iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa uu ku dhexmaray deegaanka Luuq-Jeeloow oo dhowr iyo labaatan km dhinaca Koonfureed ka xiga Magalada Baladweyne.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Kooxda Macawiisleey ay weerar ku qaadeen deegaankaas,isla markaana dagaalkooda uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sida uu sheegay mid ka mid ah Saraakiisha Kooxda Macawiisleey.

Maxamed Cali Istakiin oo sheegtay in uu yahay taliyaha Kooxda Macawiisleey ee Gobolka Hiiraan lana soo xiriiray warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in cabasho uga timid dadka Shacabka ah ay iyagu  weerarka qaadeen.

Waxaa uu sheegay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Luuq-Jeeloow uu dhankooda kaga dhintay hal Ruux mid kalena kaga dhaawacmay,sidoo kalena dhinaca Al-Shabaab ay uga dileen 7 Ruux waa sida uu hadalka u dhigay.