Dagaal xoogan oo dib uga qarxay Gobolka Hiiraan

Sida aan wararka ku heleyno waxaa degaanka Banyaaley oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan dib uga bilowday dagaal xoogan kasoo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo dhawaan halkaas ku wada diriray.

Wararka aan ka helayno ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkan uu hadda soconayo ku dhowaad Saacad, waxayna Labada dhinac isku adeegsanayaan hub aad u culus.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, maadaama dagaalka uu socdo.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaallo maalmahan dambe deegaankaan ku dhexmarayey beelahan oo kasoo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.