Dagaal waji cusub leh oo Maanta ka socda Magaalada Guriceel

Maalintii saddexaad waxaa magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka/Galmudug iyo kooxda Ahlu suna, kaasoo dhaliyey qasaare baaxad leh.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka socda Aagga Jaamacadda ee magaalada Guriceel iyo degaanada ku teedsan oo ay si weyn ugu xooggan yihiin dagaalamayaasha Ahlu suna, kana dagaalamayeen labadii maalmood ee ugu danbeysay.

Ahlu suna ayaa intii uu dagaalku socday xeelado cusub lasoo baxday, waxayna laba jeer si kedis ah gaadmo ugu leysay saraakiisha iyo ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug markii ay iska dhigtay inuu dagaalku dhammaaday, marna ay codsatay inay dariiq ay uga baxdo la siiyo.

Xeeladii ugu danbeysay ee shalay ayaa ahayd inay dalbadeen fursad loo siiyo xabbad joojin iyo in loo banneeyo dariiq ay ka baxaan, waxaana la sheegay xabbad joojin socotay ku dhowaad laba saacadood ay uga faa’iifeysteen inay dibadda u saaraan dhaawacyadooda iyo inay helaan gurmad hub iyo ciidan, taasoo keenay inay dagaal culus oo rogaalcelin ah qaadaan.

Wararka maanta laga helayo magaalada Guriceel ayaa sheegaya in dagaalka uu si goosgoos ah saaka ku bilowday, iyadoo uu weli ka socdo Aagga Jaamacadda, waxaana dagaalka maanta la sheegay inuu loo qorsheeyay sidii goobtaasi looga saari lahaa.

Dagaalka waxaa maanta wada hoggaaminaya taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad Jen. Mascuud Maxamed Warsame iyo Taliyaha Booiska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal culus dhex maro labada dhinac.

– Advertisement –

Dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa ciidamo cusub geeyay Guriceel, waxayna dadaal xoog leh ugu jiraan inay dagaalka soo afjaraan, iyadoo waqti kale oo uu qaato dagaalka Guriceel uu sumad sumo ku yahay Axmed Qoorqoor iyo Maxamed Farmaajo, kuna keenayo culeys weyn, iyadoo hore loo qorsheeyay in hal maalin uu dagaalkaasi kusoo afjarmo.

Magaalada Guriceel ayaa haawaneysa, waxaana isaga baxay dadkii ugu danbeeyay ee ku haray, iyadoo shalay qeybo kala duwan ay ku dhaceen madaafiic hoobiyeyaal ah.

Jabril Yahye Isse                                                                                              Goobsan Media Inc.