Dagaal markale ka dhacay Xeraale iyo Wadahadal u furmi lahaa Galmudug iyo Ahlu-Sunna oo baaqday

Dagaal u dhaxeeya Maleshiyaad hubuysan oo deegaanka ah iyo Ciidamada Ahlusuna Waljameeca ayaa maanta mar kale ka qarxay  deegaanka Xiraale ee Gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa daba jooga dagaalo mudooyinkii la soo dhaafay halkaasi ku dhax marayay Ahlusunna iyo Ciidamo Beeleed, waxaana ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalka maanta dib ugu qarxay deegaanka Xeraale ee gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale Dagaalka Maanta ka socda Xeraale ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta uu baaqday wada-hadal la filayay in deegaanka Mareer guur ku dhaxmaro Mas’uuliyiin ka socda Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna.

Ahlu-sunna ayaa ku qayb santay in wada-hadal lala Furo Galmudug waxayna Codsadeen in kulanka dib luugu dhigo waxaana suragal ah in biri ay is hot fariistaan Labada dhinac.