Dagaal markale ka bilawday Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed uu ka socdo deegaan lagu magacaabo Baar oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Beledweyn.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan ayaa daba socda xiisad horay ugu dhaxeysay labo beelood.

Labo carruur iyo haween ayaa shalay lagu dilay deegaanka Baar, kaddib markii mid ka mid ah maleeshiyada dagaalamaya ay weerarka qaaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dilkii shalay uu daba socday aanooyin dilal oo u dhaxeeyay labada beelood.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa wali kala dhex gelin labada maleeshiyo beelood ee ku dagaalamaya duleedka Beledweyn, waxaana laga cabsi qabaa inuu sababo khasaarooyin nafeed.

Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku soo noq-noqonaya dagaalada u dhaxeeyay beelaha, waxaana inta badan ay salka ku hayaan dagaaladan, muranada la xiriira dhulka iyo ceel biyood.

Ayadoo dagaaladan ay burinayaan amarkii horay uga soo baxay maamulka Hirshabeelle ee ahaa in beelaha ay dirirtu ka dhaxayso ay sharuud la’aan joojiyaan dagaalka.