Dagaal markale dhex maray xoolo dhaqato kasoo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug

Markale ayaa waxaa dagaalo kasoo cusboonaadeen degaanka Bali-busle ee Gobolka Mudug kaasoo u dhaxeeya xoolo dhaqato kasoo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ka socda degaanka Bali-busle ayaa ah mid ay maleeshiyada dirirtu ka dhaxeyso ay isku adeegsanayaan qoryaha fud-fudud ayadoo lasoo sheegayo in dagaalku gaystay qasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Degaanka Bali-busle ayaa waxaa kusoo laalaabtay dagaalada u dhaxeeya Maleeshiyo beeleedyada kasoo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland ayadoo horaantii todobaadkan halkaas lagu joojiyay dagaalo ka dhacayay degaankaas.

Waxgaradka kasoo kala jeeda maleeshiyaadkan xoolo dhaqatada ah ayaa u muuqda kuwa xakameyn waayay dagaaladan kusoo laaaabtay degaanka Bali-Busle.