Dagaal ku bilowday Qarax oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Gaari ay la socdeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saakay duleedka Degmada Balcad lagula eegtay Qarax kaasii oo sababay dhimashada hal askari iyo 6 kale oo dhaawac ah.

Qofkan dhintay ayaa ahaa darawalkii gaariga waday kaasoo magaciisa lagu sheegay (Cismaan Haash)

Ciidamada ayaa waxaa qaraxa lala eegtay xili ay marayeen meel ku dhaw Deegaanka loo yaqaano isgoys oo aan ka fogeen degmada Balcad.

Qof ka mid ah dadka ku nool degmada Balcad ayaa  xaqiijiyay in ciidamada ay wateen gaari kuwa dagaalka ah qaraxa nooca miinada dhulka aaso ah loo dhigay gaari Cabdi bile ah o ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada Balcad.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxaasi ka dib Gawaari kale oo gurmad ahaan halkaasi u aaday Wadada loo galay islamarkaana daagal kooban uu halkaasi ka dhacay.