Dagaal kooban oo ka dhasahay Isbaaro laga qaadayay degaanka Warmaxan ee Shabeelaha Hoose

Waxaa maanata Ciidanka dowladda Soomaliya ay sameeyeen howlgal isbaari qaadis ah taasoo ay ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan wadada u dhaxaysa degaanka Walawayn iyo degaanka Warmaxan.

Howlgalkan isbaaro qaadista ah intii ay ciidamadu wadeen ayaa waxaa ka horyimid Ciidamo isbaaro u taalay deegaanka Warmaxan kuwaas oo diidayay in isbaarada laga qaado waxana halkaasi ku dhex maray dagaal kooban oo khasaaro geestay walow aan weli faah faahin laga bixin.

Ciidamadii howlgalka waday ayaa daqiiqado kadib waxa ay ku guuleesteen in ay Goobta isbaaradii ka qaadaan,waxana jira in Ciidamadii kale ay Goobta isaga tageen.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay horay u sheegeen in ay k go’an tahay in ay qaadaan Isbarooyinka ay ka cabanayaan dadka Shacabka ah ee yaalla gudaha Gobolka Shabeellaha hoose iyagoo fulinya amarkii madaxweynaha Soomaliya.