Wararka naga soo gaaraya duleedka Bari ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dagaallamayaan ciidamo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug.
Sida ay dadka degaanka u xaqiijiyeen warbaahinta Goobsan dagaalka ayaa la isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlaaya Magaalada Gaalkacyo.
Gurmad xooggan ayaa ka socda Koonfurta iyo waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, waxaana jira dhaawacyo la geeyay Isbitaalada Magaalada Gaalkacyo.