Dagaal dhex maray ciidan kawada tirsan maamulka K/Galbeed oo sababay dhimashada 10 qof

Dagaal u dhaxeeyay ciidan ka wada tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo isk hor imaadkaas yaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidankii wada dagaalamay iyo  dad badan oo sugnaa halka dagaalku ka dhacay.

Sida ay sheegayaan wararka Iska hor imaadka ayaa ka dhacay goob raashin lagu qeybinayay oo ku dhow xero dad barakacayaal degenaayeen, waxaana mar kale rasaas isku bilaabay labo ciidan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in iska hor imaadka la isku adeegsaday qoryaha saaran gaadiidka ee loo yaqaano dhashiikaha

Labada ciidan ayaa la sheegay inuu muran soo kala dhex galay oo ku saabsanaa raashinka la qeybinayay, iyadoo intii qeybinta socotay ay rasaas isku bilaabeen.

Wararka ayaa sheegaya inka badan 10 ruux ay ku dhinteen, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen, waxaana jira warar kala duwan oo ka soo baxaya khasaaraha.

Isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa la geeyay dhaawacyo fara badan, halkaasoo gelinkii dambe uu booqday Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.