Dagaal dhex maray Burcad Badeed Soomaali ah iyo Ilaalada Markab Ganacsi

Kooxo hubeysan oo ah Burcadbadeed Soomaali ah ayaa weerar ku qaaday Markab ganacsi  oo laga leeyahay dalka Singabuur sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta dalkaasi.

Markabka la weeraray ayaa waxaa lagu magacabaa  MT Leopard Sun,waxaana  kasoo shiraacday xeebaha Dalka Cumaan kuna sii jeeday Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika,kaasoo siday Haamo Kiimiko ah.

Kooxda Burcadbadeeda Soomaalida ayaa la sheegay in ay wateen labo doomood oo ah kuwa aadka u dheereeya.

Dagaal qaatay ku dhawaad Saacad ayaa dhexmaray Kooxda Burcada ah iyo sidoo kale ilaaladii Markabkaasi.

War kasoo baxay  Ciidanka ilaalada Xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in koox Burcad badeed Soomaali ay weerar ku qaadeen Markabkaasi kuwaa soo sitay Laba Doonyood oo nooca dheereeya ah.

Weerarka ayaa ka dhacay meel 160 nautical miles (Cabbir badeedka ) u jirta Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in ay waddaan baaritaano, islamarkaana ay shaacin doonaan Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.