Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Beledweyne

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarun Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi  uu ka dhacay  dagaal xoogan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa waxa uu dhexeeyay Ciidamada dowlada Soomaaliya kuwa AMISOM iyo dagaalamaaasha Al Shabaab,waxaana sigaar ah uu uga dhacay deegaanka beer-xaano iyo deegaano kale oo ku yaalla Duleedka Baladweyne.

Saraakiisha Ciidanka xooga dalka ee ku sugan Balaweyne ayaa waxa ay sheegeen in la jaray isgaarsiinta deegaanada uu dagaalka ka dhacay,isla markaana aan warar dheeri ah laga heli karin.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogan dalka qeybta 27-aad ayaa sheegay in howlgalka ay wadaan uu socon doono inta dagaalamayaasha Al-Shabaab laga saarayo deegaanada muhiim ah ay kaga sugan yihiin Duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Giobolka Hiiran.

Xaalada duleedka Magaalada Baladweyne ayaa saakay ah mid kacsan maadaama duleedka degmadaas uu dagaal ka dhacay,kaasi oo dhexmaray Ciidamada dowlada Soomaaliya kuwa AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.