Wararka imaanaya Galbeedka Magaalada Baladweyne ayaa Sheegaya in Dagaal Culus maanta ku Dhexmaray Tuulooyin hoostaga Deegaanka Farlibaax ee Gobalka Hiiraan Maleeshiyaad Deegaanka ah iyo Al-shabaab kaasi Dhaliyey Qasaare Dhimasho iyo Dhaawac.
Meelaha Dagaal uu ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah Tuulada Buq-goosaar halkaasi ay Weerareen Maleeshiyaadka la Magac Baxay West-land ee Maalmula Deegaanka Farlibaax.
Dadka degaanka farlibaax ayaa sheegaya in Qasaare badan uu ka dhashay dagaalkaas kaasoo soo kala gaaray Ciidamadii uu dagaalku dhex maray.
Ma jiraan Ilo ka Madax Banaan labada Dhinac oo Xaqiijin kara Tirada Dhimasho iyo Dhaawac ilaa iyo hadana Maamulka Gobolka Hiiraan wax war ah kama soo saarin dagaalka ay Ciidamo gaar ah ku qaadeen Al-shabaab.