Maleeshiyaadka ururka Al-shabaab ayaa xili hore oo saaka weerar ku qaaday saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin degaanka Af-urur oo ee gobolka bari ee Puntland
Taliyaha ciidamada Puntland ee gobolka sanaag Korneel Cabdullaahi Cumar Canshuur ayaa idaacada VOA laanteeda Af-Soomaaliga u Xaqiijiyay in weerarka ay saldhiga ku soo qaadeen ururka alshabaab, uuna socda muddo Labo Saacaadood ah.
Taliyaha wuxuu sheegay in rasaas googoos ay ka dhacayso degaankaasi, oo ciidamaduna ay iska difaaceen kooxdii weerarka soo qaaday , waxaana uu sheegay inay go’an tahay isgaarsiinta degaanka.
MAamulka Puntland weli kama hadlin dagaalkaasi, Mana jiro warar faahfaahsan oo la xiriira khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.