Dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Sanaag

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaan hoostaga degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Duud-carraale oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Sanaag,waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 5 Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeeen,kuwaas oo dhamaantood ah maleeshiyaadkii dagaalamay,sida ay sheegeen dadaka deegaanka dagaalka uu ka dhacay. Guddoomiyaha deegaanka Ceel-Afweyn Cabdiraxiin Yuusuf Axmed ayaa Warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadkaas dagaalamay horay heshiis loo kala dhex-dhigay, hayeeshee ka maamul ahaan aysan awood u laheyn xilligaan in ay kala dhex galaan. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga & Booliska Soomaaliland oo ku sugan deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ay ku baxeen si ay u joojiyaan dagaalka dhex maray labada maleeshiyo beeleed. Wararkii ugu dambeeyay ee saakay aan ka heleyno deegaanka lagu dagaalamay ee Duud-carraale oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee markasta dagaal la filan karo maadaama maleeshiyaadka ay weli goobihii lagu dagaalamay isku hor-fadhiyaan. Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag iyo tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa kusoo laab laabtay dagaalka dhexmaraya beelaha,waxaana maamulka Soomaaliland ay dhowr jeer isku dayeen inay xal ka gaaraan balse ay u suurtageli weysay joojinta dagaaladaas.