Dadkii Soomaalida ee ku geeriyooday duqeyntii dalka Yemen oo la ogolaaday in meydkooda la aaso

Kooxda Xuutiyiinta oo mucaarad ku ah dowlada Yemen ayaa ugu dambeyntii aqbalay in la aaso meydadka 42 Soomaali ah kuwasoo duqeyn ay ku dishay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Isbahaysiga ee ay hogaamiso dowlada Sacudi Carabiya.

Qunsulka Soomaaliya ee dalka Yemen Axmed Sudan ayaa sheegay in dadaal badan kadib lagu guuleystey in  Xuutiyiinta aqbalaan in la aaso dadka dhintay.

“Xuutiyiinta waxa ay ka sugayeen in dowlada federalka Soomaaliya ay ka helaan qoraal cadeynaya in qaxootiga Soomaalida ah ay dilkooda mas’uul ka yihiin isbahaysiga taageera dowlada Yemen,”ayuu yiri qunsulka.

Hase yeeshee qunsulka ayaan cadeyn in dowlada Soomaaliya ay u dirtey kooxda Shiicada Xuutiyiinta qoraal ay ku cadeynayso in dilka 42ka Soomaalida ah ay ka dambeeyeen isbahaysiga suniga ah ee taageera dowlada Yemen.

Meydadkan oo tiradooda lagu sheegay 42 oo isugu jira rag iyo dumar ayaa qaboojiyayaal ku xareysnaa ku dhowaad labo bil ah. Dadkan la laayay ayaa saarnaa dooni iyagoo ku sii jeeday dalka Sudan hase yeeshee xilli habeenimo ah ayaa diyaarad gantaalo ku ridey waxaana halkaa ku nafwaayay 42 ruux halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen,