Dadka degan Jaamacadda Gaheyr oo waqti kooban loo qabtay iyo Ciidamo la amray in ay qasab uga saaraan

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow ayaa warqad xafiiskiisa kasoo baxday ku sheegay in dadka degan Xarunta Jaamacada Gaheyr ay isaga baxaan.

Gudoomiye Yariisoow ayaa u qabtay dadka degan dhsimaha Jaamacada Gaheyr in ay isaga baxaan muddo labbo todobaad ah waxa uuna Taliska Booliska Gobalka Banadir u sheegay in ay ka saaraan cidii ku hartaa xarunta Jaamacada Mudada labbada isbuuc ah ka dib.

Waxaa warqada kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir lagu sheegay in dhawaan xarunta Jaamacada Gaheyr lagu bilaabi doono dhismo si loo soo celiyo Jaamaacada isla mar ahaantaasna dhisida xaruntaani ay hormuud ka ahaan doonto wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka.

Amar midkaan lamid ah aya horaan sidaan oo kale dhowr mar oo kala duwan lagu bixiyay in dadka dagay xarunta Jaamacada Gaheyr ay isaga guuraan balse ma uusan dhaqan gelin waxayse markaan waxay u muuqataa in amarkaan uu dhaqan geli doono maadama taliska Booliska Gobolka Banaadir la faray in ay ka saaran dadka degan xarunta Jaamacada wixii ka dambeeya mudada loo qabtay.