Dableey hubaysan oo dil ka geystay Magaalada Boosaaso

Wararka ka imanaya Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ayaa sheegaya in halkaasi kooxo hubaysan ay dil ka geysteen,kuwaas oo dilay Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Maamulka Puntland.

Ilo waredyo ku sugan gudaha Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in xili Madxweynaha Maamulka Puntland uu ku sugnaa meel aan ka fogayn goobta dilku uu ka dhacay in debley hubaysani ay weerar ka geysteen isla markaana ay dileen Ciidanka ka tirsana ilaalada Gaarka ah ee Madaxweyne Gaas.

Hal askari ayaa la xaqiijiyay in weerarkaas uu ku dhintay halka mid kalana uu dhaawac culus ka soogaaray,waxaana kadib la maqlay rasaas kooban oo ciidanku ay rideen ilaa io haatansa lama oga cidda wax ku noqotay iyo hadii la qabtay kooxdii werarka fulisay.