Diyaarada Turkish Airline oo kasoo duushay magaalada Mombasa ee dalka Kenya uu kusoo wajahneed Soomaaliya ayaa dhowr mar ku dagi waysay garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Sababo la xiriira dabeylo farabadan oo jira ayaa lagu micneeyay in ay diyaaradda ugu degi weysay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cade ee Magaalada Muqdisho taas oo keentay in tiro dhowr jeer ah ay dib ugu laabato Magaalada Mombasa.
Hadaba mid kamid ah Rakaabkii saarnaa Diyaaradda oo lagu magacaabo Maxamed Shaakir ayaa ka duubay Muuqaal iyadoo Diyaaraddu ay degi la’dahay oo ay Hawada ku jirto.