Daawo Video: Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay muuqaalka Gaarigii shalay isku qarxiyay nawaaxiga Dekadda Muqdisho

Boliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay Muuqaalka Gaarigii shalay ku qarxay agagaarka dekedda Miqdisho.

Shir Jaraa’id uu qabtay Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Dahir Saacid ayuu ku sheegay in gaariga qarxay ay warbixintiisa hayeen, isla markaana la doonayay in lagu weeraro mid ka mid ah Iskuulada ay ka socotay Imtixaanka.

Jen. Saacid ayaa sheegay in gaariga qarxay uu ahaa gaari kuwa raaxada ah, isla markaana ay qabatay Camerada Booliska, wuxuuna sheegay inuu qarxay, inta aanu bartilmaameedkiisa gaarin.

Muuqaalka ayaa muujinaya gaariga oo xilli uu socday, wadadana ay baabuur mareysay uu mar kaliya ku qarxay agagaarka Dekeda Muqdisho.

Halkaan ka daawo muuqaalka