Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Sawirrada Weerarkii ay ku qaadeen degaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose Bishii July ee Sanadkaan 2017-da halkaasi oo ay ku dileen Askar ka tirsan ciidamada AMISOM.
Askartii halkaasi lagu dilay ayaa badankood waxa ay kasoo jeedeen dalka Uganda.
Sawirradda ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa waxaa ka muuqday Gawaari ka mid ah kuwa AMISOM.
Dagaalkan ayaa ahaa mid culus askarta la dilayna waxaa Meydkooda loo qaaday Dalka Uganda halkaas oo ah meesha ay kasoo jeedaan Askarta weerarkaas lagu laayay.