Dowladda Somaliya, ayaa Shalay si rasmi ah ula wareegtay Dhismaha Jaamacadda Gahayr ee Magaalada Muqdisho, ka dib muddo toban sano oo ay deganaayen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Ciidanka Militariga Burundi ee qaybta ka ah Amisom, ayaa sanadkii 2007-dii fariisimo ka samaystay Dhismaha Jaamacadda, xilligaa oo Magaalada Muqdisho ay ka socdeen dagaalo adag.

Munaasabadda uu Taliska Amisom ku wareejinayay Jaamacadda Gahayr oo Shalay lagu qabtay Jaamacadaasi, ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare Somaliya, C/raxmaan Daahir Cismaan, Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Amb. Francisco Caetano Madeira, Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe ee Somaliya, Amb. Michael Keating, Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliyeed, General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid), Taliyaha Militariga Amisom, General Cismaan Nuur Subagle, Taliyaha Booliska Amisom, Anand Pillay iyo masuuliyiin kale.

Francisco Madeira oo isagu wareejiyay Dhismaha Jaamacadan, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in toban sano ka dib ay Jaamacadaasi dib ugu wareejiyan gacanta Dowladda Somaliya.

Wasiirka Waxbarashada & Tacliinka Sare oo la wareegay Jaamacadda Gahayr, ayaa munaasabadda ka sheegay in sanadka soo socda ay rajeynayan in Jaamacadan ay wax ku baran doonaan arday Somaliyeed.

Michael Keating oo ka hadlay munaasabadda lagu wareejiyay Jaamacadda Gahayr, ayaa sheegay inay maanta tahay maalin weyn, loona baahan yahay in ciidamadu wareejiyan goobaha bulshada, inkastoo sida uu sheegay ay weli jirto xaalad halis ah oo dhinaca ammaanka.

Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Somaliyeed, Prof. Maxamed Axmed Jimcaale, ayaa isna goobta ka sheegay inay baahi weyn u qabeen inay dib u hellaan Kulliyaddii Gahayr.