DAAWO SAWIRRADA:- Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo booqasho Ku tagay Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Maanta booqday Xarunta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,waxaana ku wehlinaayay booqashadiisa Wsiiro iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska Somaaliyeed.

Ra’iisul Wasaraha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliya oo uu ugu sareeyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) isagoo Warbixino ka dhagestay dhamaan Saraakiishii uu la kulmay.

Kulan ay wada qaateen Saraakiisha ciidanka Booliiska iyo Ra’iisul Wasaaraha kadib ayaa waxaa halkaasi ka bilaawday ciyaar Gaada ka ciyaar ah oo lagu soo dhaweynayay Ra’iisul Wasaaraha.

Xasan Cali Kheyre ayaa ku amaanay ciidanka Booliiska Somaaliyeed Shaqada ay u hayaan Shacabka Soamaliyeed waxa uuna sheegay in ay yihiin kuwii looga baahnaa in ay ilaaliyaan Sharciga dalka.