Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi Wasiiro ah oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Khamiis ah shirkooda u horeeyay ku yeelanaya magaalada Kismaayo, sida uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Kismaayo uu yimaado, isla markaana uu ku shir guddoomiyo shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiradiisa ee Kismaayo tagay, waxaana uu ku tilmaamay in Kismaayo lagu qabto shirka Golaha Wasiirada ay guul u tahay dadka Jubbaland, ayna qeyb ka tahay baahinta dowladnimada.

Illaa afar diyaaradood ayaa maanta Kismaayo u daabushay Golaha Wasiirada, Ilaalada mas’uuliyiinta Xukuumadda, Xogheynadooda, Fanaaniin iyo dad kale.

Dad badan ayaa soo dhoweeyay in Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ku shiraan meel ka baxsan Caasimadda, hase ahaatee waxaa su’aal la gelinayaa qarashka ku baxaya wafdi intaas la eg, iyadoo miisaaniyadda dowladda ku ekeyd bishii tagtay ee June.