Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa maanta Ubax dhigay taalladda SYL ee magaalladda Muqdisho, halkaas oo lagu qabtay xuska SYL.
Xubnaha golayaasha dowladda ayaa ku wehlinayay Ubax dhigista iyo munaasabadda xuska maalinta aas-aaska xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL.
Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhallinyaradda, Islamarkaana ku beegan sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatay xornimadii dalka.
Munaasabaddii maanta waxaa ka qeyb-galay, golayaasha dowladda, mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir, dhallinyaro iyo qaar ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka.
Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa hambalyo u diray dhamaan dhallinyaradda Soomaaliyeed, xuska munaasabadda 15-ka May awgeed.
“Dalka hadda waxaa uu taaganyahay xiligii ay dhallinyaradda gacanta ku dhigi lahaayeen isla markaana ay u hagi lahaayeen dhanka Horumarka iyo xasiloonida”, sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha.