Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Garoonka dayuuradaha Aadan Cadde kula kulmay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa Gen. Thomas Waldhauser iyo Saraakiil kale.
Kulankan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Taliyaha iyo Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Stephen M. Schwartz iyo xubno kale
Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, tababarka iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliya iyo qodobo kale ayaa diirada lagu saaray kulankan oo saxaafada dibeda looga saaray.
Ciidamada Mareykanka ayaa Soomaaliya ku leh saldhigyo yar yar oo qarsoodi ah kuwaasoo ay laga howlgeliyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn sida garoonka Balli-doogle oo 110-km ka baxsan caasimada iyo garoonka dayuuradaha magalada Kismaayo.
Labada dhinac ayaan saxaafada siinin waxyaabaha ay isla faaqideen balse wararka hoose aya sheegaya in si weyn looga lafa guray qorshaha Dagaal Al-shabaab looga saarayo degaanada ay ku harsan yihiin kaasoo maraykanku qorsheynayo inuu si weyn uga qeyb qaato.
Gen. Thomas Waldhauser ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sareeyey ciidamada Maraykanka ee booqda Somalia muddo 23 sano ah.
Sanadkii 1993dii ayey aheyd markii uu Muqdisho soo gaaray taliyihii guud ee ciidamada Maraykanka xiligaas Jen. Colin Powel, waxaana waqtigaas Maraykanka Somalia ka joogay ciidamo gaaraya illaa 30 askari oo uu yimid howgalkii loogu magac daray (Rajo soo celinta)