Daawo Sawirada: Xuska 1 da luuliyo oo si weyn looga Dabaal dagay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ubax dhigay Taalada Darjirka Dahsoon, iyadoo maanta loo dabaal degayo 57-guuradii ka soo wareegatay, xornimadii Gobolada Koofur iyo is raacii Koofur iyo waqooyi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka jeediyay halkaas khudbad kooban oo uga hadlayay maalmaha xoriyadda, isagoo xusay in maanta ay tahay maalin weyn oo taariikh u leh Umadda Soomaaliyeed, oo ah 57-guuradii ka soo wareegatay, xornimadii Gobolada Koofur iyo is raacii Koofur iyo waqooy.

“Maanta waa maalintii halganka ay bilaabeen aabayaasheena oo mira dhalay, balse ay gadaal wax ka xumaadeen, dadkeena hada jooga waxaa noo yaala howshii aabaheeydan oo aheyd wax aad u qurxan, gobinimo iyo midnimo, waxaa hada taaganahay kala qeybsanaan, qabyaalad, qaxooti, abaar, xagjirnimo iyo Tahriib, waxaa nagala rabaa inaan soo celino sharafkii umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu Danbayntii Munaasabadda ayaa ah tii labaad ee uu Madaxweynuhu ubax dhigo taaladan, 26-kii June ayay aheyd markii uu halkaas ubax dhigay, xilligaasoo ku beegneyd, markii uu horeysay ee Calan Soomaaliyeed la taago, iyo xoriyadii Gobolada Waqooyi.