DAAWO SAWIRADA: Wefdiga Madaxweyne Farmaajo Oo Si weyn Loogu Soo dhaweeyay Magaalada Kismaanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa waxaa magaalada ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, xubno ka tirsan maamulka Jubbaland iyo qaybaha bulshada halkaasi ku nool.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa la kulmidoona saacadaha soo aadan madaxda dowlad Gobolleedka Jubbaland oo ay kala hadli doonaan arrimo la xiriira la dagaallanka kooxaha Argagixisada ah iyo arrimaha Federaalka si loo dar dar geliyo howlaha horyaalla Dowladda Federaalka.