Wararka aan ka helayno Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka Maamulka Puntland ay weeraro ku qaadeen degaanka Buuraleyda ah ee Cal-madow halkaasoo ay fariisimo ku leeyihiin ururka Al-Shabaab.
Maamulka Puntland ayaa ka hadlay duqeymo dhowr ah oo saacadihii lasoo dhaafay ay u geesteen Buuraha Cal-madow halkaasoo la sheegay in uu kasoo gaaray Shabaab Khasaaro isagu jira Dhimasho iyo Dhaawac
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay ku guuleesteen in ay burburiyaan Saldhigyo Waaweyn oo ay la haayeen dagaalamaaysha Al-Shabaab kuwaas oo mar walba ay ka soo qaadi jireen weerarada ay ka geestaan deegaanada Puntland.
“Weerarkan ay ciidamadeena Puntland ka fuliyeen goobahaas ayaa waxay ugu geysteen cadowga Al Shabaab khasaare xooggan oo iskugu jira dhaawac iyo dhimasho; waxayna ku burburiyeen saldhigyo ay ku dhuumaystaan cadowga Al Shabaab oo ku yaalla Buuraha Cal Madow ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha Puntland”
Sikastba Al-Shabaab weli kama hadlin weerarka ay sheegeen in ay fariismo Al-Shabaab ku burburiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland.
SAWIRO