Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax khasaaro gesytay oo ka dhacay Magalada buuhoodle ee Gobolka Togdheer kaas oo ahaa mid lagu xiray Gaari ay saarnaayeen mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Khaatuma.
Ugu yaraan 2 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale,waxana dadka ku dhintey qaraxaas ka mid ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Khaatuma Axmed Maxamuud Doolaal iyo saraakiil kale.
Dadka qaraxa ku dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Lataliyihii arrimaha siyaasadda ee ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo lagu magacaabo Cabditaax Maxamed Cali.
Wararkii ugu dambeeyey ee Saaka naga soo gaaraya Magalada Buuhoodle ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay degan tahay,isla markaana goobtii uu qaarxa ka dhacay ay baaritaano ka wadaan ciidamada Khaatuma.