Daawo Sawirada Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo dil toogasho ah ku fulisay 4 ruux Magaalada Baydhabo

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka afar ruux ku toogatay magaalada Baydhabo, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay horay qaraxyo uga geysteen magaalada.
Afartan ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ayaa lagu helay dambi ah inay soo abaabuleen qaraxyo dad badan ku dhinteen oo bishii February sanadkii hore ka dhacay magaalada Baydhabo.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ayaa horay raggan dil toogasho ah ugu xukuntay, iyadoo saakana lagu fuliyay dilka.

Toogashada ayaa saaka ka dhacday duleedka magaalada Baydhabo, waxaana goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida Jen. Liibaan Cali Yarow iyo Saraakiil kale.

Magaalada Baydhabo ayaa horay waxaa uga dhacay xukuno dil ay fulisay Maxkamadda ciidamada, iyadoo Maxkamadda dilal ku xukuntay rag lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo askari dad shacab ah dilay.

CEO and founder: Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com