Daawo Sawirada Kismaayo oo Ciidan awood leh tababar loogu soo xiray

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shalay tababar magaalada Kismaayo ugu soo xiray cutubyo katirsan ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo mudooyinkan tababar uga socday xero kutaala Kismaayo.

Waxaa kasoo qeyb galay Munaasabada Tababarkan lagu soo xirayay ciidanka xooga Soomaaliyeed Wasiiru Dowlaha Wasaarada Difaaca Soomaaliya iyo Sarakiil kasocotay Dowlada Federaalka ah iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika AMISOM.

Ciidankan tababarka loo soo xiray ayaa katirsanaa qeybta 43-aad ee milatariga, waxa ayna ka koobnaayeen Ciidamo kumaandoos ah iyo ciidamada lugta, waxaana ciidankan tababarka siinayay saraakiil ajnabi ah.

Ciidamada Xooga Soomaaliyeed ayaa goobta ay kasocotay munaasabada kusoo bandhigay dhoolo tus ay ku muujinayeen awoodooda ciidan, waxa ay sidoo kale ciidankan soo bandhigeen hubka ay heestaan kuna howlgalayaan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlay munaasabada ayaa ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in ay maanta qalin jabinayaan dufcadii ugu horaysay ee Ciidamada Qaranka oo isku dhaf ah , waxa uuna u mahad celiyay dadkii gacanta ka geestay tababarkaasi.

Magaalada Kismaayo muudoyinkii ugu dambeeyay waxaa lagu tababaray ciidamo isku dhaf ah oo katirsan milatariga Soomaaliya, waxaana ciidankan la filayaa in ay qeyb ka noqdaan howlgal la qorsheenayo in laga fuliyo gobolada Jubooyinka halkaasoo la doonayo in dhawaan laga sifeeyo Al-shabaab.