Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday kolonyo Gawaari ah oo ay wateen Ciidamada Amisom xili ay sahay gudbisanayeen, weerarkaas ayaa ku bilowday Miino dhulka lagu aasay kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada Amisom iyo Al-shabaab dagaalkaas oo saacado badan socday.
Af hayeenka Howlgalada Ururka Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarkaas waxa uuna sheegay in ay ka dileen Amisom 39 Askari balse arinkaas ayaa waxaa beeniyay Afhayeenka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
si kastaba Gudoomiya Ku xigeenka Dhanka Amaanka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dhinteen 23 Askari oo mid kamid ah yahay Askarta Soomaalida halka inta kalena ay yihiin Askarta Amisom.
Duulaankii ka dhacay degaanka Golwayn ee shabeelaha Hoose ayay Amisom qiratay in looga dilay 12 Askari halka 7 kalena ay ku sheegeen dhaawaca.
Dhamaan Askartii lagu dilay Weerarkii gaadmada ahaa ayaa maalinimadii shalay ahayd Meydkooda loo qaaday Dalka Uganda halkaasoo lagu Aasi doono.
SAWIRRO