Ciidamo ka tirsan Booliska AMISOM ayaa ka baxay dalka ka dib markii ay dhameystireen Shaqooyinkii loogu tala galay in ay ka qabtaan Soomaaliya sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamadaan ayaa qaabilsanaa xaqiijinta Amniga doorashadii ka dhacday Soomaaliya ee uu kusoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Gudoonka Baarlamaanka.
Cismaan Nuur Subagle, Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM iyo Taliyaha guud ee Booliska AMISOM ee Soomaaliya Anand Pillay ayaa ka qeyb galay Munaasabad Ballaaran oo lagu qabtay Muqdisho , taasi oo lagu sagootinaayay Ciidamadaasi.
Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM ayaa amaan usoo jeediyay Ciidamada Booliska oo uu sheegay in ay Soomaaliya waxbadan ka qabteen gaar ahaan Xilligii doorashadda.
Taliyaha guud ee Booliska AMISOM ee Soomaaliya Anand Pillay ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Booliska AMISOM ay si weyn uga qeyb qaateen soo saarista Saraakiil iyo Askar ka tirsan Booliska Soomaaliya.
Saraakiisha iyo Askartii Soomaaliya ka baxay oo kasoo jeeda dalka Uganda ayaa la guddoonsiiyay Abaalmino kala duwan , sida Shihaadooyin iyo garaado.
SAWIRO