DAAWO SAWIRADA: Ciidamada Xasilinta oo qabtay Rag Burcad ah iyo Waxyaabahii ay soo dhaceen

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen Koox Burcad ah oo watay Mooto Bajaaj , kuwaa soo dhac u geysan jiray dadka kunool degmooyinka gobolka Banaadir.

Intii uu howlgalku socday ayaa ciidamada Ammaanka waxa ay dhaawaceen mid ka mid ah Kooxaha Burcadda ah , kaa soo isku dayay in uu dagaallamo.

Goobta lagu soo bandhigaayay ayaa waxaa tagay Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

“Waxaa Lagu Soo Qabtay howlgalka 12 mobile Iyo qori AK47 Ah oo ay Umadda Ku dhacayeen iyo  Sidoo Kale Waxaa La Soo Qabtay Mooto Bajaaj ay Wateen” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa bilihii lasoo dhaafay waday howlgallo xooggan  oo ay ku dagaallamayaan Kooxaha Burcadda ah ee dhibaateeya Shacabka.

SAWIRO