Sida aan wada ogsoonahay Ciidamada Xasilinta Amniga Muqdisho ayaa wali si habsami u socod leh waxa ay wadaan howlahooda shaqo oo ay ku sugayaan Amniga Magaalada Muqdisho ayagoona baaritaano aan horay loo arkin ka sameeya Isgoysyada iyo Wadooyinka Waaweyn ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Wadooyinka waaweyn ee ku yaalla Magaalada muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamada oo baaraya dadka iyo Gaadiidka,islamarkaana si taxadar ah oo wanaagsan dadka ula dhaqmaya.
Sidoo kale ciidamada ayaa waxa ay howlgallo ka sameeyaan Xaafadaha degmooyinka Gobolkaan Banaadir,iyadoo mararka qaar baara guryaha ay uga shakiyaan in ay ku jiraan dad wada falal lidi ku ah dhanka amniga,iyagoo sidoo kale wada qorsho hubka looga dhigayo kuwa Gaadiidka dagaalka iyo hubka Waaweyn dadka ku argagax gelinaya.
Tan iyo markii uu bilaawday howlgalka xasilinta amniga muqdisho ayaa Shacabka waxa ay dareemeen amni la isku haleen karo,iyadoo ay yaraadeen qaraxyadii ka dhici jiray gudaha Magaalada Muqdisho.
Ayadoo ay jirto in ay sidaas u dadaalayaan ciidamada u xil saaran amniga magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa jira dilal maamlin iyo habeen ka dhaca magaalada Muqdisho kuwaas oo loo geysto dadka ganacsatada ah iyo odayaasha ergada ka ahaa Maamul Goboleedyada Dalka.
SAWIRO