DAAWO SAWIRADA: AL-Shabaab oo soo bandhigay Qaabkii ay u weerareen Saldhiga Af Urur

Ururka Alshabaab oo dhawaan weeraray saldhig ay ciidamada maamulka Puntland ku lahaayeen Deegaanka Af urur ee Gobolka Baari.

Deegaankaas oo u dhow Buuraha Galgala ayaa qiyaastii 80Km kaga beegan dhanka Koofureed Magaalada Boosaaso oo xarun u ah Gobolka Bari.

Garabka warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawiro laga jaray muuqaal ay ka duubeen weerarkaas, waxaana la arkayay goobta la weeraray oo u dhoweyd buuraha Galgala.

Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen 61 askari ka tirsan Ciidamada Puntland, ayna ku furteen saanado milateri iyo sahay.

Sawirada ayaa waxaa ka muuqday gawaari kala duwan oo ay leeyihiin Ciidamada Puntland oo isugu jiray kuwa dagalka iyo kuwa raaxada oo qaarkood gubanaya.

Puntland ayaa beenisay sheegashada Al-Shabaab ee tirada askar ee looga dilay weerarkaas, waxaana ay ku eedeysay inay dileen haween iyo carruur.

Weerarka Saldhigga Af urur ayaa ahaa kii ugu xoogganaa ee abid lagu qaado Ciidamada Puntland, isla markaana khasaare ballaaran uu ka soo gaaro.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA