Munaasabadda Daah furka Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) iyo caleema saarka Guddoomiyaha KMG ee Xisbigaas Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacday Hoolka Sahal ee agagaarka Isgoyska KM4.
Bandhiggan ayaa ahaa dhoolatuskii ugu weynaa ee daah furka Xisbi mucaarad ah, iyadoo xisbigan ay ku mideysan yihiin xubno ka tirsan Baarlamaanka Labada Gole iyo Siyaasiyiin.
Munaasabadda ayaa toos uga socotay baraha bulshada, iyadoo lagu soo bandhigayey suugaan, waxaa hoolka ka muuqda boorar ka turjumaya dhismaha Xisbiga iyo halku dhigyada uu u taagan yahay.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Senataro ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka dhex muuqday munaasabadda daah furka Xisbiga, waxaana hoolka yimid Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga.
Soomaaliya ayaa la filayaa inay u gudubto nidaamka axsaabta siyaasadda, iyadoo dhamaadka sanadkan ay ku eg tahay diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadda, sanadka soo socda 2019 ayaa la ogolaan doonin in xisbi la diiwaan geliyo, sidaas darteed 20-kii Xildhibaan ayaa laga doonayaa inay Xisbi ka mid noqdaan.