Daacish-ta Soomaaliya oo gobolka Bari ee Puntland ku bandhigtay dagaalyahano cusub(SAWIRRO)

Daacish ayaa soo bandhigtay sawirro ay ku muujinayaan dagaalyahannadooda maxalliga ah ee iska diiwaan geliyay Xerada Tababarka ee Sheekh Abu Waliid al-Sahraawi” oo ku taal buuralayda gobolka Bari ee Puntland.
Xeradan ayaa loogu magac daray “Sheekh” Abuu Waliid Al-Sahraawi, hogaamiyihii hore ee ISIS oo ay ciiddamada Faransiisku ku dileen saxaraha galbeedka afrika, bishii Ogosto. 2017,.

Daacish oo ay Soomaaliya u joogaan qiyaastii 300 dagaalame ayaa waxay saldhigyo qarsoodi ah ku leeyihiin buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ciiddamada Puntland marar badan ku weerareen.

Puntland ayaa sannadkan sheegtay in ay badi burburisay saldhigyadii Daacish ay ku lahaayeen gobolka Bari, hase yeeshee muddo kooban kadib, Daacish waxay soo weerareen degmada Balidhidhin, halkaas oo ay ku dileen guddoomiyihii degmadaas.

Warbixin ay dhawaan siidaysay hay’ad  fadhigeedu yahay Geneva, ayaa lagu sheegay in hub ay leedahay dowladda Iran oo loo geeyo Xuutiyiinta Yemen uu si qarsoodi ah gacanta ugu galo kooxaha hubaysan ee Soomaaliya ka dagaalama sida Daacish iyo Alshabab.

Hubka ay hadda wataan dagalamayaasha Daacish ee tababarka ku qaadanaya xerada Abu Waliid al-Sahraawi” wuxuu u muuqdaa hub cusub, balse ma cadda in hubkaas yahay hubkii Iran lahayd.

Goobsan Media Inc.