Ururka argagaxisada ee Daacish-ta Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay daacad u ahaan doonaan hoggaamiyaha cusub ee Daacish Sheekh Abuu Al-Xasan Al-Hashimi.
Warkaan ayaa lagu sheegay farriin gaaban oo kasoo baxday Daacish oo lagu faafiyay barta twitterka, iyadoo farriinta ay kasoo hormuuqdeen dagaalamayaal katirsan Daacish iyo horjoogahooda.
Daacish ayaa farrintaan kasoo dirtay saldhigooda ugu weyn Soomaaliya oo ay ku leeyihiin buuraleyda gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland.
ISIS ayaa Sheekh Abuu Al-Xasan Al-Hashimi u magacawday hogaamiyahooda cusub, waxayna xaqiijisay geerida hoggaamiyahoodii hore ee Abu Ibrahim Al-Qurashi bil ka dib markii lagu dilay weerar ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen gudaha Suuriya.
Kooxda argagaxisada ah ee Daacish ayaa sanadihii u danbeeyay xasuuq ka waday gudaha Soomaaliya.
Jabril Yahye Isse Goobsan Media inc.