Daacish oo Sheegatay 2 Ruux oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxda Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyiyadda Labo ruux oo ka mid ahaa Shaqaallaha rayidka ah ee dowladda,kuwaasoo dhawaan lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Daacish ayaa soo bandhigtay Muuqaal ku aadan labada ruux ee lagu Muqdisho, waxaana Daacish ay sheegtay in labadaasi ruux ay dileen xubno ka mid ah Daacish-ta ka howlgalla Soomaaliya.

Muuqaalka ayaa waxaa ka dhex muuqday in Bastoolad ku hubeysan oo dilaya labada ruux oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen shaqaallaha Maaliyadda ee dowladda Soomaaliya.

Daacish ayaa bilihii lasoo dhaafay Muqdisho iyo degmada Afgooye waxa ay ka waday dilal taxane ah.

Daacish horay waxa ay usoo bandhigtay Muuqaallada xubno ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho.