Daacish oo Qarax la eegtay ciidanka Puntland ee ku sugan Buuraha Calmiskaad

Saddex askari oo uu ku jiro sarkaal ciidan oo ka tirsan Puntland ayaa ku dhintay qarax lagula beegsaday buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Qaraxa oo shalay ka dhacay deegaanka Markadaan, oo u dhow tuuladaTurmusaale oo kamid ah meelaha laga xoreeyay kooxda Daacish ayaa sidoo kale sababay dhaawacyo dhowr askari ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu aasay waddada dhinaceeda, isla markaana lala beegsaday gaari ambalaas ah oo ay saarnaayeen askartan. Kooxda Daacish ayaa horey uga fulisay buuraleyda Calmiskaad weerarro noocan oo kale ah, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Weerarkan ayaa muujinaya in kooxda Daacish weli awood u leedahay inay qaraxyo ka fuliso halkaas, inkasta oo Puntland ay horey u shaacisay inay Daacish ku go’doomisay togga Baalade oo u dhow magaalada Boosaaso. Muddooyinkii dambe, qaraxyada lala beegsado ciidanka ayaa yaraaday, hase yeeshee Daacish ayaa weli adeegsanaysa kooxo guur-guura oo habeenkii waddooyinka ku xira miinooyinka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ayaa u sheegay HOL in ay jiraan dad deegaanka ah oo si toos ah ula shaqeeya Daacish, kuna caawiya xog gudbinta iyo sahayda.

Dhawaan, wasiirka duulista Puntland, Maxamuud Bile Nuur, ayaa si cad u sheegay in beesha uu ka soo jeedo ay ku jiraan dad la shaqeeya Daacish, kuwaas oo sirta ciidanka u gudbiya kooxda Daacish. 

Wasiirka ayaa ballanqaaday in hay’adaha amniga Puntland ay tallaabo ka qaadi doonto dadkaasi.