Cumar C/rashiid oo wax laga xumaado ku tilmaamay in muwaadin Soomaaliyeed loo gacan galiyo Itoobiya

Raisulwasaarihii  Hore ee Xukuumadda Soomaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo la hadlayay laanta afka Soomaliga ee Voa-da ayaa sheegay arinta Sarkaalka Tirsan Jamhadda ONLF  ee C/kariin Shiikh Muuse(Qalbi Dhagax) oo loo gacan galiyay Dowladda Ethopiaiyo iyo heshiisyo lagu eedeeyay xiligii Xukuumadiisa  in ay la gashay Dowladda Ethopia.

Waxa uu  beeniyay Cumar C/rashiid in wax heshiis ah oo maxaabis isdhaafsi ah ay Xukuumadiisa la gashay Dowlada Ethopia,isagoona carabka ku adkeeyay in ay kawada hadleen xiligaas dagaalo beeleedyo ka dhacay xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago ismaamulka Soomalida Ethiopia iyo qaabkii loo xalin lahaa.

Dhanka kale Cumar C/rashiid Cali Raisulwasarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in muwaadin Soomaliyeed loo gacan galiyo Dowladda Ethopia,islamarkaana Jabhadda ONLF lagu tilmaamo Urur Argagaxiso iyadoo Caalamka uu aqoonsan yahay ururkaas mid u dagaalamaya Gobanimo.

Arinta Sarkaalka ka Tirsan Jabhadda ONLF  ee C/kariin Shiikh Muuse(Qalbi Dhagax) ayaa noqotay mida ugu hadal heynta badan Soomaliya, waxaana dhawaan Golaha wasiiraddda Xukuumadda Soomaliya ay meel mariyeen go’aankii Dowladda Soomaliya ay ku dhiibtay Qalbi Dhagax, iyagoona ku tilmaamay in uu kamid ah Argagaxisadda, xiriirna la ahaa Dagaalyahanada Al-shabaab, walow Al-shabaab ay eedeentaas beeniyeen sheegeena in aysan wax xariir ah la lahayn Qalbi Dhagax.