Warar laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Shoole lagu wado in loo magacaabo Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhin doono Qatar, iyadoo arrintan uu gadaal ka riixayo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin.
Dowladda Soomaaliya ayaa u aragta Qatar dal muhiim ah, iyadoo in dhawaalaba ay ka fiirsaneysay Safiirka loo magacaabi karo booskaas ee ka bixi kara ama ay is leedahay xiriirka labada dal wuu hagaajin karaa, waxaana aad loo hadal hayaa C/risaaq Shoole oo ka mid ah saaxibada Madaxweynaha iyo xubnaha awooda badan ku leh Madaxtooyada.
Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in Madaxtooyada ay dadaal ugu jirto sidii Safaaradaha muhiimka ee banaan loogu magacaabi lahaa xubnaha ku dhow Saaxibada Madaxweynaha oo ay shaqsiyaad kala duwan ay wataan, si Safiiro loogu magacaabo.
Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa isa soo taraya shaqsiyaad la hadal hayay oo loo wado Safiiro, gaar ahaan dalalka muhiimka ah, sida Kenya, Imaaraadka Carabta, Kuwait, Mareykanka iyo dalal kale.
Illaa 12 Safaaradood ayaa laheyn wax safiir ah, tan iyo markii sanadkii hore xilalka laga qaaday Safiiradii dalalkaas joogay oo qaarkood muddo sanado hayay xilalka, waxaana lagu dhaliilayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda in aanay wali soo jeedin buuxinta safaaradaha banaan.