C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay inuu guuldareystay wada hadalo lagu xalinayay weerarkii gurigiisa lagu qaaday sanadkii hore.
Waxa uu sheegay in wada-hadalka ay qeyb ka ahaayeen odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo ururada bulshada rayid,islamarkaana in la xaliyo arinta uu hor istaagay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Farmaajo.
“Ilaa iyo maanta dawladu baaritaan kama samayn weerarkii lagu qaaday 17 December ee sanadkii tegey hoygayga, kaa soo lagu dilay 5 will oo ciidanka Xooga Dalka ka tirsan, kabahoodana lagu xabaalay. Ma jirto cid lagala xisaabtamay, loo xiray ama xil looga qaaday falkaas. Waxaa jiray dadaal uu waday Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo saraakiil kale oo iskood isku xilqaamay oo doonayey in arrinka xal laga gaaro. Waxay ku guuleysteen in la bixiyo diyadii shanta wiil.
Hantidii la burburiyey, tii la dhacay iyo xadgudubkii kale ee loo gaystay xubnaha Xisbiga Wadajir weli dawlada garawshiyo kama bixin, lamana xalin. Waxaa la ii sheegay in Madaxweynaha uu yahay ninka howshaas hor istaagay
Ciidamo ka Tirsan NISA ayaa weeraray 17-kii bishii December sanadkii 2017-kiii hoyga Siyaasiga,waxaana halkaas lagu dilay 5-kamid ah ilaaladiisa, iyadoo Ciidamada ay xireen Siyaasiga inkastoo maalmo kadib lasii daayay.