C/raxmaan C/cashuur:- “Waa Muuqataa In Dalku Hogaamiye La’aan Yahay”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay dhacdooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalka, sida Khilaafka Golaha Shacabka, go’aamada aqalka Sare, iyo xiisadda ka Taagan Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

“Shalay waxaa xafiiska gudoonka Baarlamaanka ka soo baxay laba qoraal oo iska soo horjeeda oo ay gudoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka soo kala saareen. Waxaa hortood soo baxay qoraal ka soo baxay Aqalka Sare.

Waxaan gaarnay heer Aqalkii sare iyo Golihii shacabka aamini waayaan ciidankii Soomaaliyeed oo ay dalbadaan AMISOM. Halka qaraxyadii Al-Shabab ay maalin kasta sii kordhayaan.

Dhinaca kale. Beled Xaawo haween iyo dhalinyaro ayaa dhagax la hortaagan gawaarida gaashaaman ee Kenya, halka DP world ay weli dhiiran tahay. Waan garan karaa in arrimaha Amniga Qaran ay deganaan iyo hal adayg u bahaan yihiin.

Waxaase cad oo muuqata hadii aan la is indha tirin, dhiilada iyo caadifada dhinac la iska dhigo, in dalku Madaxweyne leeyahay, laakiin hogaamiye la’aan yahay.