Cosoble oo diiday xil ka qaadistii lagu sameeyay iyo xaalada Siyaasadeed ee Hirshabeelle oo kacsan

Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabeelle balse Xildhibaano ka tirsan amamulkaas ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen ayaa ka hadlay xilka qaadistaas.

Goordhow ayaa Waxa uu magaalada Jowhar Warbaahinta ugu qabtay shir Jaraa’id waxa uuna sheegay in xilka qaadistii ay ku sameeyen xildhibaanada ay tahay mid aan waxba ka jirin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in isagu uu yahay Madaxweynaha Hir-Shabeelle islamarkaana wixii tabasho ah ay jira la xalin doono.

Xildhibaanadii horay u soo gudbiyay in ay xilka ka qaadeen Cosoble ayaa weli ku shirsan Magaalda Jowhar lamana oga waxa ay kaga jawaabi doonaan hadalkan kasoo yeeray Madaxweynihii Maamulka Hirshabeelle oo diiday in uu xilka iska Wareejiyo kadib markii ay shalay kalsoonida kala laabteen xildhibaano kor u dhaafaya 65 xildhibaan.