COD: Faafaahinta Kulankii dhexmaray Ra’isalwasaare Khayre iyo Ra’isalwasaare ku xigeenka Jarmalka

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu Hogaaminayo Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Jaramlka sidoo kale ah Wasiirka Arimaha Dibada ee dalkaasi ninka lagu magacaabo Sigmar Gabriel.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad iyo Masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa kusoo dhaweyay garoonka Aadan Cadde wafdigan dowlada Jarmalka ka socda.

Xasan Cali Kheyre ayaana kulan la qaatay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr Sigmar Gabriel oo maanta soo gaaray dalka,

Labada dhinac ayaa kulankoodii uga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ,gaar ahaan iskaashiga labada dowladood  iyo wax ka qabashada dhinacyada amniga iyo xaaladaha abaaraha

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr SignarGabriel ,ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ugu deeqday Soomaaliya lacag dhan 70-milyan oo Yuuro

R/wasaaraha dowladda JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka mahadceliyay lacagahaasi deeqda ah,isagoo ku booriyay in dowladda Jarmalka ay halkaasi ka sii wadaaan taageeridda dadka Soomaaliyeed

Booqashada R/wasaare ku-xegeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Jarmalka ayaa qeyb ka dadaalka beesha caalamka ugu jirto garab istaaga Dowaladda Federaalka Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha Abaareed ee kajira Dalka .

Dhagayso codka Ra’isalwasaahaÂ